Muqdisho(SONNA):-Waxa berri oo khamiis ah 25-ka bisha diseember 2025 magaalada Muqdisho looga dareerayaa doorasho ay dadweynaha gobolka Banaadir ku soo dooranayaan metelayaashooda goleyaasha deegaanka.
Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa goor dhowed xaruntooda guud kaga dhawaaqay tirada codeeyasha ee qaatay kaarka codbixinta taas oo dhan 503,916 oo qof.
Doorashada ayaa berri ka dhacaysaa 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana ku tartamaya 20 urur siyaasadeed, kuwaas oo ay metelayaan 1,604 oo musharrax oo ku tartami doona 390 kursi.
