Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka qeyb galaya shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Wadamada Africa, kasoo ka furmay caasimada Dalka Aljeeriya ee Algeris.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay dhamaan Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee wadamada qaaradda Africa.
