Muqdisho.(SONNA)…Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in dib loo digay furitaanka Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya
Qoraal kasoo baxay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta oo ah 20-ka Bisha April 2020,qorshuhu ahaa inuu furmo kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee dib loogu dhigay curka faafa ee Covid 19 dartiis.
Sidoo kale Qoraalka Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa lagu xusay in xilliga ku haboon ee la furi karo kal-fadhiga 7-aad uu Guddoonka dib ka soo shaacin doono.