Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada ay sheegay in tallaabo laga qaadayo dadkii ka dambeeyey dhibaatadii ka dhacay deg,ada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur “Shuute oo ka hadlay kulan dhexmaray sraakiisha ciidamada iyo odayaasha degmada ayaa sheegay in Ciidamada iyo Saraakiisha Danab ay amar Maxkamadeed u qabaan inay Nolol ama geeri ku keenaan qofkii maanta ka ddib dhibaatooyin u geysta muwaadin Soomaaliyeed,isagoo xusay in cidii isku daydo in ay difaacdo dambiile ,iyagana la qaban doono.
uddoomiyaha ayaa qiray in wixii Walanweyn ka dhacay ay ahaayeen wax ka fog Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed isagoo sheegay in dadkii ka dambeeyay dhibaatadaas ay mari doonaan ciqaabta ay muda nyihiin.
Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka caddaaladda Koofur galbeed, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur galbeed