Muqdisho, (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka shanaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin kooban ka siiyay qorshaha xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Intaasi ka dib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday ajendaha kulanka oo ahaa ajendeynta fadhiyada isbuuca sedaxaad ee kalfadhiga shanaad, waxaana kulanka inta uu socday lagu soo bandhigay ajendayaasha ugu horeeya ee looga hadli doono kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda iyo sida ay u kala horeeyaan.
Sidoo kale Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday muhiimada Goluhu uu siinayo in shuruucda Golaha la hor keenayo ay miisaaniyadooda wataan.
Ugu dambeyn, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa wadar ogol ku ansixiyay ajendaha kulamada guud ee Golaha toodbaadka soo socda.