Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay wafti ka socday Heyโadda Qaramada Midoobe u qaabilsan cunada ee WFP oo uu hogaaminayay Kuxigeenka Wakiilka Hayโadda WFP ee Soomaaliya Marco Selva.
Madaxda Gobolka Banaadir iyo Heyโadda WFP ayaa ka wada hadlay xoojinta xiirirka labada dhinac, dardargelinta Howlaha Baniโaadannimo, taageerida Barakacayaasha iyo dadka nugul ee ku nool Gobolka Banadir, iyadoona labada dhinac ay kala saxiixdeen Heshiis dhigaya Wadashaqeynta, Tayaynta kor joogtaynta iyo la socodka mashaariicaha laga fulinayo Gobolka Banaadir.