Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xalay ka qayb galay Xaflad lagu daah furayay xafiiska matalaada iyo xiriirka dadweynaha oo uu daaha furay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.
Xildhibaano katirsan Golaha shacabka BJFS iyo wasiiro ka socday XFS ayaa hadallo ka jeediyay xaflada ayagoona ku amaanay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi
Howsha adag ee uu u haayo bulshada soomaliyeed gaar ahaan bulshada uu matallo xafiiskaana uu ka turjumayo sida uu ugu hiilan yahy in uu bulshadiisa ugu Adeego
Dhanka kale Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow oo hadal kooban ka jeediyay xaflada ayaa waxa uu yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan caawa goob joog ahaado xafladda furitaanka xafiiska matalaada iyo xiriirka dadweynaha oo uu daahfuray xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.
Tani waxa ay fududeyneysaa in dadka Soomaaliyeed ay helaan meel ay ugu hagaagaan masโuuliyiintooda si ay ula xisaabtamaan,waxaana dhinaca kale ay dhiira gelineysaa in siyaasi walba uu lahaado meel looga hagaago.
Ugu dambeyn waxaan u mahadcelinayaa dhamaan masโuuliyiinta Kala duwan iyo dadweynaha ka soo qeebgalay Xafladda lagu daah furayay xafiiska matalaada iyo xiriirka dadweynaha oo uu daaha ka rogayay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.” Ayuu haddalkiisa ku soo gabagabeeyay guddoomiyaha.