Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
GudahaWararka

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

By SB
Last updated: June 7, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva – Switzerland, kaga qeyb-galay kal-fadhigii 8-aad ee shir-weynaha madasha caalamiga ah ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka, (Global Platform for Disaster Risk Reduction โ€“ GPDRR 2025) kaas oo afartii sanaba mar la qabto.

Shirka oo socday intii u dhaxaysay 2 June ilaa 6 June, 2025, waxaa kasoo qeyb-galay in ka badan 2,700 oo qof oo isugu jiray madax sare iyo wafuud matalayay 133 dal, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray ka mira-dhalinta doorka muhiimka ah ee yaraynta khataraha, ka hortagga saameynta musiibooyinka iyo in bulshada loo diyaariyo wacyi ahaan wax ka qabashada iyo yareynta waxyeellada khataraha.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Hayโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Yareynta Khatarta Musiibooyinka (UNDRR) ayaa laga jeediyay khudbado taabanaya hoggaaminta, isku xirka iyo horumarinta dadaallada caalamiga ah ee lagu yareynayo khataraha musiibooyinka iyo sida uu dal kasta horumar la taaban karo uga sameeyay dhinacyada la xariira maareeynta khataraha iyo xoojinta u adkeysiga aafooyinka.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa madasha ka jeediyay khudbad muhiim ah, isaga oo ka warbixiyay dadaallada iyo horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay dhanka maareynta khataraha musiibooyinka, wuxuu si gaar ah u xusay kobaca iyo dhismaha nidaamyada lagu badbaadinayo nolosha iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirka qeybtiisa muhiimka ah ayaa lagu gaaray goโ€™aanno wax ku ool ah oo la doonayo in madaxda dalalka madasha ka soo qeeyb-galay ay ayidaan sidii lugu gaari lahaa yoolalka u asteeysan istaraatiijiyadda caalamiga ah ee Sendai Framework taas oo fareysa waddamada in marka la gaaro 2030-ka uu dal kasta si buuxda u dhiso awoodaha lugu yareeynayo khataraha musiibooyinka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Raiisal wasaaraha Dalka Kuwayt oo iscasilay

Raiisal wasaaraha dalka Kuwayt Shiikh Sabaax Al-Khalid Al-Sabaax ayaa maanta oo Arbaca ah iscasilaadda xukuumadiisa u gudbiyay Amiirka dalkaas Shiikh…

Wararka
January 13, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Masar oo wadajir uga hadlay xaaladda Gobolka

Qaahira-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer…

GudahaWararka
January 21, 2024

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo Tababar u furay qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaraddaha arrimaha guddaha dowlad goboleedyada

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta Muqdisho ku daah furay siminaar ay…

GudahaWararka
February 26, 2023

Madaxweyne ku-xiggeenka Hirshabeelle oo tababar u xiray Cutubyo Boolis ah.

Muqdisho (SONNA)- Madaxweyne ku xiggeenka dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta tababar u xiray ciidamo boolis…

Wararka
March 12, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023