Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Wafdiga Guddoomiyaha SoDMA waxaa Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi), iyo Guddiga Abaaraha Galmudug.
Socdaalka Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle waxay la xiriirtaa qiimeynta xaaladda abaarta iyo xoojinta dadaallada gurmadka. Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda Galmudug iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka, si loo dardargeliyo taageerada la gaarsiinayo dadka ay abaartu saameysay.
