Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa daah-furay shirka la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta adkeysiga bulshada, oo ka dhacay Muqdisho, islamarkaana ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha CARE International iyo SOMREP.
Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta hirgelinta habab ku saleysan digniin hore iyo tallaabooyin horudhac ah, si looga hortago saameynta musiibooyinka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in abaaraha soo noqnoqda ay si weyn u saameeyeen nolosha dadka, sugnaanta cuntada, iyo dhaqaalaha, taasoo keentay baahi loo qabo horumarinta nidaamyada digniinta si loo yareeyo khasaaraha.
Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda isku-xirka xogta cimilada iyo hab-nololeedka bulshada, gaar ahaan deegaannada xoolo-dhaqatada, si loo helo qorsheyn wax ku ool ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa xoolaha, helitaanka daaqa iyo biyaha, iyo suuqyada.
Guddoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in horumar laga sameeyay nidaamyada digniinta hore iyo tallaabooyinka horudhaca ah, isla markaana ay lama huraan tahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah.
Ugu dambeyn, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle wuxuu caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay dhismaha bulshooyin adkeysi leh, iyadoo la hirgelinayo habab wax ku ool ah oo lagu yareynayo saameynta.
