Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Ra’isulwasaaraha XFS Mudane Hamse Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay kulan loogu duceynaayey marxuumad Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo muddo dheer ka tirsaneyd Baarlamaanka iyo Golaha Xukuumadda.
Munnaasabadda loogu duceynaayay marxuumadda ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku-xigeenada Golaha Shacabka, Xildhibaano ka tirsan labada aqal, wasiiro, iyo madax kala duwan oo Dowladda ka tirsan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u duceeyay marxuumadda, isagoo Alle uga baryay inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, sheegayna in la cafiyo marxuumadda.