Muqdisho, (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aadan xuska sanad guuradii 81-aad ee kasoo wareegatay aas-aaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed u diray guud ahaan Ciidamada Booliiska.
“Waxaan saraakiisha, saraakiil xigeenadda, dableyda, alifleyda guud ahaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, xaasaskooda iyo caruurtooda la qeybsanayaa farxadda maalintooda oo kasoo wareegatay 81-sano ka dib markii la aas-aasay”, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu door muuqda oo firfircoon kaga jiro dowladnimada Soomaaliyeed islamarkaana uu yahay adeegaha bulshada, waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20-kii Bishii December sanadkii 1943-dii ayaa maanta u dabaaldegaya sanad Guuradii 81-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskiisa.