Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka dhawaajiyay in bulshada reer Koonfur Galbeed ay diyaar u yihiin in ciidanka Qaranka ay garab ku siiyaan sidii Khawaarijta looga xoreyn lahaa deegaanada maamulkaasi.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadaladaasi ka jeediyay kulan ka dhacay Degmada Xudur,halkaasi oo la isku weydaarsaday xaaladda gobolka iyo sida shacabka halkaasi ay uga qeybqaadan karaan la dagaalanka kooxaha nabad-diidka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe,waxa uu xusay in gobolka Bakool ay heystaan dhibaatooyin gaar u ah,sidaa daraadedna loo baahan yahay in si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa koobfur galbeed ay si dgdeg ah ugu dhaqaaqaan xoreynta deegaanada Baay iyo Bakool iyo soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta.
Guddooiyaha waxa uu si gaar ah u codsaday in dadka gobolka Bakool laga saacido horumarinta adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin maamulka Degmada Xudur iyo bulshada halkaasi.