Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC
GudahaWararka

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

By SB
Last updated: November 14, 2025
3 Min Read
Share

Kampala(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa halkaasi uga qeyb galay shirweynaha 20-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo sanadkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista goโ€™aanadii kasoo baxay kulankii kan ka horreeyey iyo natiijadii kasoo baxday shirkii xoghayaasha baarlamaanada urur goboleedka, dib u eegista iyo ansixinta qawaaniinta mashruuc ee guddiga baarlamaanadda ururka iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shirka ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika, Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda, iyo sidoo kale xoghayaha Baarlamaanka Bulshada bariga Afrika, dadaalkooda ku aadan qabsoomida shirka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in shirka uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalalka Bulshada Bariga Afrika ay dadaal badan ku bixinayaan inay xoojiyaan nabadda iyo is-dhexgalka, iyagoo raacaya himilada mideysan ee bulshada, sidoo kalena Soomaaliya ay ku taagantahay ballanqaadkeeda ahaa inay si firfircoon uga qaybqaadato, isla markaana door wax ku ool ah ka cayaarto Bulshada Bariga Afrika oo ay ka tirsan tahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa guddoomiyaasha baarlamaanadda urur goboleedka la wadaagay in Soomaaliya, ka dib muddo dheer oo la sugayey, ay si guul leh u dooratay xubnaha sagaalka xildhibaan ah oo ku matalaya Golaha Sharci-dejinta Baarlamaanka urur goboleedka, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay si dhab ah ugu soo laabatay ka qaybgalka iyo iskaashiga gobolka, iyadoo xoogga saaraysa diblomaasiyadda baarlamaaniga ah iyo horumarinta wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay in Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa, markii ugu horreysay muddo 56-sano ah ka dib ay isu diyaarinayso qabashada doorashooyin toos ah oo dowladaha hoose ah islamarkaana la filayo in shacabka Soomaaliyeed ay toos u doortaan hogaankooda, taasoo ka mid ah horumarada ay hiigsaneyso dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale inta shirka uu socday waxaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sharcidejinta ee Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee 2025-2026.

Inta shirka uu socday ayaa la isku raacay in Soomaaliya ay marti galin doonto kulanka kan xiga ee gudoomiyayaasha baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo dhici doona Bisha May sanadka 2026, waxaana guud ahaan shirweynaha 20-aad ee guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ku uu saabsanaa horumarinta iskaashiga, maamulka, iyo hagaajinta habraacyada baarlamaannada gobolka iyadoo la kaashanayo madaxda baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ingiriiska oo heshiis la galay Turkiga si wax looga qabto tahriibka

Boqortooyada Midowday (UK) ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Turkiga si kor loogu qaado iskaashiga la xiriira wax ka…

Caalamka
August 9, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhigiisa dalka Talyaaniga

Roma Italy(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Roma kulan kula qaatay…

GudahaWararka
October 11, 2023

Soomaaliya oo martigelisay aqoon iswaydaarsiga hawl-gelinta Suuqa gaadiidka cirka ee Afrikaย 

Muqdisho (SONNA): Hayโ€™adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa martigelisay aqoon iswaydaarsiga wacyi-gelinta ee gobolka gaar ahaan waddamada ku bahoobay suuqa xorta…

GudahaWararka
June 19, 2023

โ€˜Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)

Hey'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waa Heyโ€™adda ugu muhiimsan ee dowladda Soomaaliya u xilsaaran taabagelinta iyo ilaalinta nidaamka aqoonsiga…

GudahaMaqaalladaWararka
August 8, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023