Gedo(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir iyo masโuuliyiin uu hoggaaminayo ayaa saaka lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Mudane Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay, waxa uuna bulshada Gobolka ugu baaqay la shaqeynta hayโadaha amaanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa is-doorshada hogaamiyihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ku tilmaamtay mid sharci daro ah, iyadoo fartay Garyaqaanka Guud ee Qaranka inuu si degdeg ah uga howlgalo horgeynta Maxkamadda Sare ee dalka dacwad ka dhan ah tallaabooyinka sharci-darrada ah ee uu qaaday hoggaamiyihii hore ee Jubbaland.