Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameyn doonno.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka goโan tahay horumarinta xarumaha loogu adeego bulshada, isagoo xusay in casriyeynta lagu sameenayo dhismaha xarunta Degmada Xamarweyne ay qeyb ka tahay ka dhabeynta Qorshaha Degmo Tusaale ah, maadaama Degmada ay tahay mid fac weyn oo qadiimi ah.
Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Cusmaan Muriidi Cali oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha Xaruntu qayb weyn ka qaadan doono u adeegida bulshada oo dadweynaha adeega u yimaadaa xarunta degmadu heli doonaan adeeg dhamaystiran.
Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maamulka Degmada Xamarweyne, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Xamarweyne.