Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweynaha JFS oo caawa booqday qaar ka mid ah goobaha lagu caweeyo Caasimadda
    January 23, 2026
    Ciidanka NISA oo Gacanta ku Dhigay Shabakad Argagixiso
    January 23, 2026
    Wasiirka gaashaandhigga XFS oo la kulmay Saraakiisha ciidanka Xoogga ee ka qalin jabiyey kuliyadda Militariga Qatar
    January 23, 2026
    Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Guddoomiyaha Haya’adda Nadra
    January 23, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 23, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka mid noqday muwaadiniinta codkooda dhiibtay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka mid noqday muwaadiniinta codkooda dhiibtay
GudahaWararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka mid noqday muwaadiniinta codkooda dhiibtay

By SB
Last updated: December 25, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa codkiisa doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ka dhiibtay Degmada Kaaraan, isagoo muujiyay muhiimadda taariikhiga ah ee ay doorashadani u leedahay shacabka iyo mustaqbalka dowladnimo ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in doorashadan ay tahay tallaabo dhab ah oo shacabka loogu soo celinayo awooddii goโ€™aan-gaaridda, isla markaana ay gogol-xaar u tahay doorashooyinka guud ee Qaranka ee lagu saleeyay nidaamka qof iyo cod, oo ay dalka ugu dambaysay muddo ka badan nus qarni.

โ€œMaanta waa maalin taariikhi ah oo shacabka Muqdisho dib loogu soo celiyay xuquuqdoodii dastuuriga ahayd. Codka uu muwaadinku dhiibanayo, waa aasaaska dowladnimo xooggan, nabad waarta iyo horumar la taaban karo.โ€ ayuu yiri Dr. Muungaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in nidaamkan cusub uu horseedayo barwaaqo, amni iyo xasillooni ka sii wanaagsan kuwa hadda jira, isaga oo xusay in horumarka amni iyo dowladnimo ee Caasimadda uu si muuqata u soo hagaagay saddexdii sano ee la soo dhaafay, markaas oo uu xafiiska yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

โ€œHorumarka amni iyo nidaam ee aan maanta ku talaabsaneyno waa natiijo ka dhalatay hoggaaminta himilda leh ee Madaxweynaheenna iyo Xukuumadda Danqaran. Shacabka maanta safafka dheer galay waxay muujiyeen inay si cad u diidan yihiin ku noqoshada doorasho dadban iyo hirgalka damaca danleyda dib-u-socodka ah.โ€ ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa amaanay hawlwaldeennada heeganka ku jira iyo shacabka Gobolka Banaadir oo muujiyey iskaashiga lagu ilaalinayo; nabadda, amniga iyo bedqabka, xilli uu wadanku qorayo taariikh uu ku soo ceshanayo sumcaddiisii beri-samaadka. Isagoo carrabka ku adkeeyay in ka-qaybgalka ballaaran ee dadweynaha uu caddeyn u yahay taageerada buuxda ee dowladnimada Soomaaliya iyo rabitaanka isbeddel dimuqraadiyadeed oo waara.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta inay sii xoojiyaan ka-qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda, si loo xaqiijiyo mustaqbal ku dhisan cadaalad, nabad iyo horumar waara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweynaha JFS oo caawa booqday qaar ka mid ah goobaha lagu caweeyo Caasimadda

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqday mid ka mid ah…

January 23, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Boqolaal xujey Soomaali ah oo ay kujiraan Mas’uuliyiin DFS ka tirsan ayaa xalay gutay siyaarada Rowdada ee Masjidu Nabawi SCW

Madinah al-Munawwarah-(SONNA)- Boqolaal xujey Soomaali ah oo ay kujiraan mas'uuliyiin Dowladda Federaalka ย ka tirsan ayaa xalay gutay siyaarada Rowdada ee…

GudahaWararka
June 20, 2023

Turkiga oo markab gargaar wada u soo diray Soomaaliya

Istanbul (SONNA): Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay Markab sida shixnad gargaar ah, kaas…

GudahaWararka
September 30, 2024

Guddoomiyaha Guddiga BJFS u qaabilsan saaxiibtinimada Baarlamaanka Turkiga oo ka qeyb gashay Tartanka HACK4SOMALIA 2025

Muqdisho,( SONNA):- Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Baarlamaanka Turkiye Xildhibaan Qaali Cali Shire oo ka qeyb gashay…

GudahaWararka
July 20, 2025

Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Dalka Laga Diiwaan Geliyay 24-kii Saac Ee Ugu Dambeeyay โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay…

Wararka
May 14, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023