Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay garab taagan yihiin maamulka gobolkaasi ayaa saakay dhagax-dhigay dhismaha waddada jamhuriya ee Degmada Kaaraan oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha oo ka hadlay xafladdii dhagax-dhigga ayaa xusay in dhismaha wadadaan ay qeyb ka tahay mashruucyada horumarineed ee ay dowladda Soomaaliya ka waddo gudaha dalka,gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
“Canshuurta laga qaado bulshada Soomaaliyeed qeyb kamid ah in aan dib ugu celinno oo aan kaabayaasha dhaqaale ku dhisno waa mid ka mid ah waajibaadka na saaran” ayuu yiri Mudan Muungaab.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) waxa uu qiray in si caddaalad ah degmooyinka gobolka looga fulin doono mashruucyada wax ku oolka ah ee ay u baahan yihiin bulshada Xamar.
Dhismaha wadada Jamhuuriya ayaa la filayaa in lagu soo gabagabeeyo muddo lix bilood ah,iyadoo la qorsheynayo in la sameeyo waddo dhererkeedu yahay 3 kiilo mitir iyo bar oo laba dhinac ah,taas oo guud ahaan noqoneysa 7 kiilo mitir.
