Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad
GudahaWararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

By SB
Last updated: November 15, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ah si rasmi ah u dhagax-dhigay dib-u-dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad oo casri ah, kuwaas oo lagu qalabeyn doono agab caafimaad oo dhamaystiran, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee bulshada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca caafimaad ayaa lagu qabtay Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Waaberi, iyadoo ay goob-joog ahaayeen xubno ka tirsan bahda caafimaadka.

Mashruuca maanta la dhagax-dhigay waxa uu ka kooban yahay 4 isbitaallo waaweyn iyo 14 rugo MCH, kuwaas oo laga dhisayo 11 degmo oo ka tirsan Muqdisho. Ujeeddadiisu waa in la xoojiyo kaabayaasha caafimaadka, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka, si loo hubiyo in dhammaan hooyooyinka iyo caruurta ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Dr. Muungaab ayaa carabka ku adkeeyey in dhammaan xarumaha caafimaad ee la dhisayo ay bixin doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, taas oo ka dhigaysa mashruucan mid muhiim u ah bulshada danyarta ah, si looga baaqsado ku-tiirsanaanta adeegyada caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee qaaliga ah. Mashruucan ayaa sidoo kale ka tarjumaya ballanqaadka maamulka ee ilaalinta xuquuqda caafimaad ee bulshada iyo hubinta u sinnaanta helitaanka adeegyada caafimaad.

Inta lagu guda jiray munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca, Dr. Muungaab ayaa sidoo kale ka hadlay doorashooyinka soo socda, isaga oo ku boorriyey muwaadiniinta in ay tagaan xarumaha laga qaadanayo kaararka codeynta, maadaama qaybinta kaararku si rasmi ah u bilaabatay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xusuusiyay in ka qaybgalka doorashooyinku yahay waajib muwaadinnimo iyo tallaabo muhiim ah oo dhisaysa dimuqraadiyadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo ka tarjumaysa sida maamulka uu u dhiirrigelinayo ka qaybgalka bulshada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Saraakiil loo soo xiray tababar ku saabsan Isgaarsiinta

Muqdisho (SONNA) - Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka iyo Booliiska ayaa maanta loo soo xiray tababar soconayay…

Wararka
September 26, 2024

Ciidanka Xoogga oo soo af-jaray Dhagar-qabayaal xalay Hoobiyeyaal ku weeraray Aw-dheegle

MUQDISHO (SONNA)- Hoobiyeyaasha ay arxan-laawayaashu ku soo tureen deegaankan ayaa khaasaro hantiyeed iyo dhaawac u geystay dadka deegaanka. Ciidanka Xoogga…

GudahaWararka
July 25, 2021

Wasiirka cadaaladda oo daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada dufcadda saddaaxaad…

GudahaWararka
May 10, 2023

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal guuleystay

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamadda Uganda ee UPDF ayaa guul weyn ka gaaray dagaalka lagula jiro…

GudahaWararka
June 21, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023