Doha (SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqday safaarada Dowladda JFS ku leedahay dalka Qatar.
Gudoomiyaha ayaa halkaas kula kulmay safiirka cusub oo ay Dowladda Soomaaliya dhawaan usoo magacaawday dalka Qatar Danjire Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa u hambalyeeyay Danjire Doodishe masโuuliyada culus ee loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay in uu Alla u fududeeyo howlaha culus ee horyaala.
Docda kale, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Amb Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen xarunta safaarada oo ah goob loogu qidmeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan.