Maxaas(SONNA):-Kooxda khawaariijta arxanka darran ayaa saaka Subaxnimadii hore labba qarax ku dhibaataysay shacabka Degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Degmadda Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Qaraxyaddu sababeen dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah,ayna ku guda jiraan gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadda” wax aan ku gudda jiraa u gurmashada Dadkii khawaariijtu ku waxyeelaysay ee shacabka ahaa, faahfaahinta khasaaraha dib ayaan kasoo sheegaynaa” ayuu yiri guddoomiye degmadda Maxaas.
Goobaha khawaariijtu ka fulisay qaraxyadda ayaa ahaa goobo ganacsi oo dadka shacabka ahi ku haysteen maqaayado iyo suuqyo wax lagu iibiyo.