Moscow(SONNA):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa ku sugan magaaladda Moscow ee dalka Ruushka, ayaa booqday maanta masajidka cathedralka ee Moscow, waxaana ku soo dhaweeyay imaamka iyo khadiibka masajidka Mudane Ildar Galeev.
Guddoomiyaha iyo xubnaha safarkiisa shaqo ku wahelinaayey waxay booqdeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay masjidka isla markaana uga mahadceliyay imaanka sida wanagsan ee milgalaha leh ee ay u soo dhaweyeen maamulka masjidka.
Ugu dambeyntii, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kula dardaarmay maamulka masjidka sidii dadka loo soo bandhigi lahaa wanaagga ay leedahay diinta islaamka isla markaana loo bari lahaa bulsho weynta Ruushka.