Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magaalada dhuusamareb uga qayb-galay munaasabadda furitaanka kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug .
Munaasabaddaasi oo ay goob joog ka ahaa madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor),Sanataro, Wasiiro, maamulka caasimada galmudug iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay,waxaa khudbad dheer ka jeediyey Cabdi Xaashi Cabdullaahi ,isagoo xusay inuu ku faraxsanyahay ka soo qayb-galka furitaanka kal-fadhiga 2-aad ee baarlamaanka Galmudug waxa uuna sheegay in aqalka sare ee Soomaaliya u soo diri doonaan guddiyo.
Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa khubad uu ka jeediyey munaasabada ku soo bandhiga qorshayaasha horyaala baarlamaanka 2-aad ee Galmudug.
Ugu dambayn waxaa munaasabada soo gabagabeeyey madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-Qoor) waxa uuna si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka kal-fadhiga 2-aad ee baarlamaanka Galmudug.
Xildhibaan Axmed Maxamed Faarax (Osaama) oo ka mid ah baarlamaanka Galmudug kana mid ahaa guddiga qabanqaabada munaasabada ayaa ugu horayn hadlay.