Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddiyada Maaliyadda ee 2-da Aqal oo kulan la qaatay Wasiirrada XFS iyo Madaxda Hay’adaha Dowladda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddiyada Maaliyadda ee 2-da Aqal oo kulan la qaatay Wasiirrada XFS iyo Madaxda Hay’adaha Dowladda
GudahaWararka

Guddiyada Maaliyadda ee 2-da Aqal oo kulan la qaatay Wasiirrada XFS iyo Madaxda Hay’adaha Dowladda

By SB
Last updated: December 12, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Guddiyada Maaliyadda ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira korjoogtaynta maaliyadda Qaranka iyo hubinta hannaanka isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Kulanka oo qayb ka ahaa hawlaha joogtada ah ee Baarlamaanka ee lagu hubinayo in hab-maaliyadeedka dowladda uu u socdo si hufan, isla markaana dhammaan dakhliga dowladda lagu shubo Qasnadda Guud iyo in in laga jawaabo lacagaha ay qabaan hay’adaha qaarkood oo aan ku dhicin qasnadda Guud, inta ay le’egyihiin dhaqaalahaasi iyo In la fahmo sababaha keena in dakhligu uusan si buuxda ugu wareegin qasnadda dowladda iyo qiimayn kale oo ku saabsanayd hannaanka hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha maanta loo yeeray.

Xubanaha masuliyiinta maanta loo yeeray oo ay hoggaaminayeen Wasiirradaa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo maamulka Garoonka Diyaaradaha iyo Saadaasha Hawada, ayaa sidoo kale waxaa si gaar ah wax looga waydiiyay su’aalo cadcad oo qeexaya sida loo diiwaangeliyo dakhliga ka soo xarooda adeegyada wasaaradaha iyo hay’adaha la xiriira, qabashada khidmadaha adeegyada gaarka ah iyo sida loo maamulo iyo su’aalo kale oo muhim ahaa, kuwaas oo ay mid mid uga jawaabeen dhammaan su’aalihii la waydiiyay xubnihii loo yeeray.

Ugu dambayn, Guddiyada Maaliyadda ee labada aqal waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda wadashaqeynta joogtada ah ee u dhexeeya hay’adaha fulinta iyo golayaasha sharci-dejinta, si loo xaqiijiyo hufnaan, isla-xisaabtan iyo maamul-wanaag maaliyadeed. Waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan dabagalka iyo kormeerka ilaa laga hubinayo in dhammaan dakhliga dowladda lagu hago nidaamka rasmiga ah ee Qasnadda Guud.Waxaana kulanka maanta si wadajir ah u guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiyada Maaliyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan iyo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibraahim Awgaab Cismaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Boqolaal qof oo cudurka duumada ugu dhimatay Itoobiya

Addis ababa-(SONNA)-Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan isku xirka arrimaha bini'aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in 764 qof ay ugu dhinteen…

GudahaWararka
March 27, 2024

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-udhiska XFS oo Muqdisho ka furay tababar ku saabsan tayaynta qorshaha Istraatiijiyada Shaqo ee Wasaaradda+sawirro

Muqdisho(SONNA)-Siminaarkan oo maanta loo furay shaqaaalaha iyo maamulka wasaaradda Howlaha guud iyo dib u Dhiska Xukuumadad Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedkiisu…

Wararka
October 21, 2019

Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibbada Caalamka oo fuliyay howlgal lagu laayay xubno ka tirsanaa Khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Sagaal dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay ku dhowaad 10-kalana waa lagu dhaawacay labo hawlgal oo ay…

GudahaWararka
May 15, 2024

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo…

GudahaWararka
July 3, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023