Muqdisho (SONNA) Kulankan la-tashiga ah ee Guddiga horumarinta adeega bulshada, arrimaha beni’aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay la qaateen xubno ka socday Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir ayaa looga tashanayay Hindise Sharciyeedka Sharciga wax-ka badelka Xeerka Warbaahinta. iyadoo goobta uu ku sugnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.
Furitaanka kulanka waxaa ka hadlay mas’uuliyiintii ka socotay dowlad goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxayna u mahadceliyeen Guddiga horumarinta adeega Bulshada ee Golaha Aqalka Sare oo kulankan ku casuumay
Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arrimaha Beni’aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir ayaa xubnaha kulanka lagu casuumay ka codsaday in ay fikirkooda ka dhiibtaan Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda, maadaama sharcigan uu yahay kii lagu dhaqi lahaa.
Qaar ka mid ah xubnii ka qeyb galay kulanka ayaa afkaartooda ka dhiibtay xeerkan.
Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arrimaha Beni’aadanimada, Warfaafinta Iyo Dhaqanka Golaha Aqalka Sare ayaa hindise sharciyeedka xeerka saxaafadda kala tashaday qaybaha kala duwan ee saxaafadda, iyadoo xeerkan ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, kaasi oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu soo ansixiyay, haatanna uu horyaalo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.