Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Burhaan Aadan Cumar oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mudane Maxamed xasan Idriss ( Ganeey) ayaa shir guddoomiyay kulanka maanta ee guddiga oo looga doodayey hannaanka doorashooyinka ee heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka. Isla-markaana siiqad Dastuuriya loogu badeli lahaa.
Xubnaha guddiga oo ahmiyadda koowaad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka Dastuurka KMG ah ayaa kulankooda maanta diirada saaray ka doodista Heshiikii Madasha Wadatashiga Qaran ee Doorashada iyo sidii uu ula fal-gali lahaa cutubka 4aad ee dastuurka oo ka hadlaya matalaada shacabka.