Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha oo kulan laqaatay Mas’uuliyiinta ka socday Wasaaradaha Hirshabeelle “SAWIRRO”

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa maanta kulan laqaatay Mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle kaasoo looga hadlayay fahanka bulshada ay ka qabaan xuduudaha, iyadoo aragtiyo ay kusoo bandhigayeen Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay kulan iyo Xubnaha ka socday guddiga xuduudaha.

Abuukar Sheekh Cabdi Ibrahim iyo Liibaan Cali Sahal oo ka socday guddiga ayaa faah faahin waxay ka bixiyeen qaabka loo wajahayo xuduudaha Hirshabeelle ay laleeyihiin Dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo Hirshabeelle daris ay yihiin

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa soo dhawey kulan maanta ka furmay magaalada Jowhar waxaan boogaadiyay howsha qaran ee gudiga xuduudaha ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

                   

La wadaag cid kale