Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddiga howlaha xasilinta ee Haya’adda SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddiga howlaha xasilinta ee Haya’adda SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah
GudahaWararka

Guddiga howlaha xasilinta ee Haya’adda SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

By SB
Last updated: October 31, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Guddiga howlaha Xasilinta Qaran ayaa maanta yeeshay shirkii bilaha ahaa, kaas oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ee magaalada Muqdisho. Shirka waxaa kasoo qayb galay dhammaan wasaaradaha xubnaha ka ah guddiga, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, iyo hay’adaha qeybta ka ah guddiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta barnaamijyada xasilinta, dib-u-dhiska adeegyada bulshada, iyo isku xirka hay’adaha dowliga ah ee ka shaqeeya arrimaha amniga, horumarinta iyo gurmadka bani’aadamnimo.

Intii uu shirka socday, cutubyada CIMIC ee ciidamada qalabka sida ayaa soo bandhigay warbixin muuqaal iyo qoraal ah oo ku saabsan howlaha ay ka fuliyeen degmada Awdheegle, oo ay ku jirto dhisidda adeegyo bulshada iyo xoojinta amniga deegaankaas.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa soo bandhigtay waxqabadyo ay ku taageeraysay hawlaha xasilinta iyo nabad-dhisidda, iyadoo soo jeedisay muuqaallo muujinaya guulaha la gaaray ee dhanka amniga iyo iskaashiga bulshada.

Dhanka kale Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa soo bandhigtay in hay’addu ay muddadii la soo dhaafay gaarsiisay gobollo kala duwan gargaar isugu jira raashin iyo daawooyin oo miisaankoodu dhan yahay in ka badan 93,000 tan, taas oo qayb ka ah howlaha gurmadka iyo taageerada dadka ay musiibooyinka saameeyeen taas oo kaqeyb ah barnaamijka xasilinta dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shirka ku baaqday in la qabto shir qaran oo ballaaran, kaas oo ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan wasiirrada xukuumadda, iyadoo uu Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku hoggaamin doono, si diiradda loo saaro taageerada maaliyadeed iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha.

Ugu dambeyntii, shirka waxaa soo xiray Agaasimaha Guud ee Hay’adda SoDMA cabdirashiid maxamuud xasan , kaas oo ku ammaanay dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha dowliga ah wada-shaqeyntooda iyo doorkooda muhiimka ah ee xasilinta iyo gurmadka bani’aadamnimo, isagoo ku adkeeyay in la sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, horumar iyo xasillooni waarta.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan oo lagu dhaawacay qarax

Madaxweyne ku xigeenka Afgaanistaan Amrullah Saleh ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray qarax lala eegtay kolonyo uu la socday…

Wararka
September 9, 2020

Dadaalka Dowladda ee la dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

Dawladda Soomaaliya waxa ay cagta ku haysaa waddada ay ku xaqiijinayso ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Dayn-cafinta,3 qaadista cunaqabataynta…

MaqaalladaWararka
July 24, 2023

DF oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro laga soo badbaadiyey xabsiyo muddo dheer ay ku jireen

Muqdisho.(SONNA):- Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo IOM ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si…

GudahaWararka
December 18, 2024

In ka badan 50-Khawaarij ah oo lagu dilay jubada jubada hoose

Kismaayo (SONNA ): Hawlgal burburin ah oo ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen…

GudahaWararka
July 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023