Muqdisho.(SONNA):- Aaska-aaska nolosha carruurnimada Soomaalida waa waxa ay waligeedba ahayd mid barashada Qur’aanka Kariimka muhiimad gaar ah lagu siiyo, waana sababta adduunyadu ugu taqaanno “ Soomaalida Ahlu Qur’aan”.
Balse, marka aad joogto goobaha waxbarasho ee carruurteennu ay wax ku baranayaaan gaar ahaan goobaha lagu barto Qur’aanka kariimka ah, waxaad arkeysaa in ay ka duwan yihiin goobaha kale ee da’yarteennu ku baranayaan waxbarashada Maadiga ah qaab ahaan iyo sidoo kale, dhisma ahaanba.
“ Jaamacaddu in ay qurxoonaato, iskuulka inuu qurxoonaado, meel dadka indhahooda iyo qalbigooda soo jiidanaayo wax lagu barto oo lagu farxo in ay noqoto waa fiican tahay, laakiin cagsigeeda, Dugsiyadeennu inn ay jidka ku dhex yaalaan ma ahan, Dugsi Qur’aanku inuu jidka ku dhex yaalo ma ahan, asna waa inuu qurxoonaadaa, oo nadiif noqdaa, oo dad meel isugu yimid wixii ay lahaan lahaayeen waa inuu yeeshaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ahmiyad gaar ah siinayay goobaha lagu barto Diinteenna Islaamka.
Qaar ka mid ah macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah wax ka dhigo ayaa iyagana wax laga weydiiyay waxa ay la kulmaan dayaca ka muuqda Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah iyo marka uu roobka da’ayo?. Mid ka mid ah Macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada Qur’aanka magaalada Muqdisho oo ka Jawaabayay Su’aashi ayaa Yiri:-
“ Maadaama iskuulada loo dhiso dabaqyo waxna lagu barto, Dugsiyadana ay ku yaalaan waddooyinka oo mararka qaar haddii maanta uu roob da’o, dhowr iyo labaatan maalmood aan Qur’aan laga dhigeynnin, sidaasi daraateed, waxaana dowladda federaalka ka codsaneynaa, Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah in ay goobo loogu talagalay oo fiican u dhisto,”.
Cumar Yare oo ka mid ah carruurta yar yar ee wax ka barto mid ka mid ah Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee magaalada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay wax ka bedelaan Dugsigiisa oo si hagaagsan aan u dhisneyn.
Dhanka kale, qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xil gaar ah la iska saaro loona istaago Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah sidii loo dhisi lahaa si carruurta ugu suurta gasho in ay si wanaagsan u bartaan Qur’aanka Kariimka oo ah Kallaamka Eebe.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa balan qaaday horumarinta iyo ka warqabka goobaha lagu barto Diinta Islaamka sida Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah, lana dhiirageliyo carruurta dhibaateysan ee isugu jira Agoonta iyo kuwa taagta daran ee aan awoodin in ay wax-bartaan.