Muqdisho,(SONNA):-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah,ayaa ansixiyey Heshiis Iskaashi ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.