Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Golaha Wasiirrada XFS oo Muqdisho ku yeeshay shirkii todobaadlaha ee golahaasi
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Wasiirrada XFS oo Muqdisho ku yeeshay shirkii todobaadlaha ee golahaasi
Gudaha

Golaha Wasiirrada XFS oo Muqdisho ku yeeshay shirkii todobaadlaha ee golahaasi

By Kulane
Last updated: February 19, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA— Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo abaaraha ba’an ee saameeyay qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Golaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo iyo dardargelinta qorsheyaasha wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha abaarta.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku saabsan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, waxaana loo magacaabay Mudane Liibaan Cabdi Cigaal.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhagaystay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ku saabsanaa saameynta bacaadka uu ku yeeshay dalka, iyo xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaraddu oo shaqada lagaga joojiyey diyaarado dhamaystiri waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka, waxaanna guddi loo saaray kasoo talo-bixinta iyo baarista tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan kuwaas oo golaha usoo bandhigi doona warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda diyaaradaha dalka.

Golaha ayaa ansixiyay Axdiyo iyo Siyaasado muhiim u ah horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta badaha, kuwaas oo kala ah

  1. Axdiga Caalamiga ah ee Asaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeelada Wasakhaynta Shidaalka (1992).
  2. Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990).
  3. Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Kahortagga Isku-dhacyada Badda (1972).

Ugu dambeyn, Golaha, ayaa ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo hagaysa jihada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo danaha Qaranka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Catriona Laing oo loo magacaabay ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaliya

Muqdisho(SONNA):-Catriona Laing oo loo magacaabay ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaliya. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa…

GudahaWararka
May 4, 2023

Wasaaradda gaashaandhigga oo faah-faahisay malleeshiyaad iyo horjoogayaal laga laayay khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)- Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah-faahiyay malleeshiyaadkii dhowaan ay ciidanka xoogga dalku ka dileen khawaarijta. General,…

GudahaWararka
July 19, 2023

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada CID. Goobaha…

GudahaWararka
September 6, 2025

Ciidanka XDS oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta

Xuddur-(SONNA)-Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa lagu dilay horjooge…

GudahaWararka
May 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023