Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan todobaadle ah oo ay yeesheen ku meelmariyey qodobbo la xiriiray dib-u-eegista Xeer-nidaamiyaha Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Heshiis Is-afgarad oo dhanka Iskaashiga Siyaasadda ah oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norwey.
Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha ahna Raโiisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixinno ku saabsan amniga dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyagaย oo soo bandhigay warbixinno la xiriira halka uu marayo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta amniga dalka.
Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsanaa safarro shaqo oo ay ku tageen dalka dibeddiisa ka dhageystay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, kuwaas oo soo bandhigay guulihii ay xaqiijiyeen safarradooda.