Muqdisho.SONNA… Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ayaa kulankoodii caadiga ahaa kaga hadlay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.
Wasiitada ayaa warbixin ku saabsan saameynta ka dhalatay roobabka daadadka wata, waxa ay ka dhageysteen Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigay in ku dhawaad laba malyuun oo qof oo ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka. Iyada oo inta la xaqiijiyey ay ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin gaaraya 96.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaanshaadhigga.
Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shirka guddoominayey ayaa golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxuuna soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.
Golaja xukuumadda JFS waxa ay ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku.