Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
    Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Golaha Wasiirrada Oo Caawa Soo Saaray Qaraar Ku Saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga Dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Wasiirrada Oo Caawa Soo Saaray Qaraar Ku Saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga Dalka
GudahaWararka

Golaha Wasiirrada Oo Caawa Soo Saaray Qaraar Ku Saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga Dalka

By Axmed
Last updated: August 22, 2024
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):Golaha Wasiirrada Oo Caawa Soo Saaray Qaraar Ku Saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga Dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA)

Golaha Wasiirradu Wuxuu Meelmariyay Qaraarka Qodobadiisu Hoos Ku Qoran Yihiin:

Qodobka 1-aad
Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA)

1. Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA).

2. Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA).

3. Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqangalka ah.

Qodobka 2-aad
Hay’adda Dawladda Mas’uulka uga ah Dakhli Ururinta

1. Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

Qodobka 3-aad
Dejinta Tacriifadaha

1. Si waafaqsan Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasiirka Maaliyadda oo kaliya ayaa awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda dhaqan-gelinta iyo fududaynta bixinta noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

3. Iyadoo u-hoggaansamaysa Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay sahan dhamaystiran ku samayso dhammaan tacriifadaha hadda jira ee la xiriira ilaha kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in dhammaan tacriifadahaas, oo ay ku jiraan kuwa canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay la socon kara xaaladaha dhaqaale ee Dalka.

Qodobka 4-aad
Dib-u-eegista Heshiisyada iyo Qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016

1. Si loo hubiyo u hogaansanaanta qodobbada sharciga islamarkasna looga hortago khataraha maaliyadeed ee ka dhalan kara, waa in dhammaan heshiisyada saamaynta maaliyadeed leh ee dhaqangalka ah ee sharciga baalmarsan la waafajiyaa Sharciga Iibka ee Qaranka, 2016, iyo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019.

2. Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin.

3. Wasaaradda Maaliyadda waxaa la farayaa in ay hortabin siiso si joogta ahna u bixiso kharashaadka ka dhasha heshiisyada Dawladdu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga fogaado ganaaxyada sharci ee ka imaan kara.

4. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan:

(b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay.
(t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay.
(j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose.

Qodobka 5-aad
Qodobo Qubane ah

1. Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho waa in la dhimo qiimaha adeegga konton boqolkiiba (50%) iyadoo khidmadda kasoo xaroota lagu qabanayo Khasnadda Midaysan.
2. Ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecaddaha kala soo daga furdooyinka Soomaaliya waxaa la farayaa inay shahaadada caddaynta tayada baddecadda ay kala yimaadan shirkadda Veritas ee Dawladda Soomaaliya ugu xilsaaran hubinta tayada badeecadaha.
3. Waxaa la joojiyay lacagaha howl fududeynta ah ee aan sharciga ku saleysneyn ee ganacsatada looga qaado Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha.

4. Dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Shirkadda Alport Mogadishu, kuwa Furdada, Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo hay’addaha kale ee amniga ma samayn karaan xannibaad ama daahis ay ka dhalan karto kharash ku siyaada badeecadda Dekadda.

5. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay dejisaa qorshe lagu fududeynayo adeegayada laga bixiyo Dekedda Muqdishu.

6. Dhammaan shirkadaha dillaalayda furdooyinka iyo wakiiladda maraakibta (customs brokers & shipping lines) waxaa ka mamnuuc ah inay ku dallacaan ganacsatada lacagaha fududeynta ah oo lagu bixiyay si sharci daro ah.

7. Waxaa la joojiyay lacagaha laga qaado gaadiidka xammuulka ah ee ka baxa baraha koontaroolada ah ee magaalada Muqdisho sida Afgooye iyo Balcad.

8. Waxaa la yareeyay khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda (Port Access Permit), waxaana laga dhigay $40 doolar oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray qaadista lacag dhan $110 doolar.

9. Waxaa meesha lag saaray kharash kasta oo ku bixi jiray howlaha loogu yeeray Kontaynar-jabinta. Cid kasta oo ku lug yeelata qaadista khidmadaan la mamnuucay waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.

10. Wasaaradda Ganacsiga waxaa la farayaa in ay u kuurgalid iyo wadatashiyo ka soo samayso cabashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya ganacsatada, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.

11. Waxaa la farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada inay keento qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ka jira gaadiidka xamuulka ka qaada Dekedda Muqdisho, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo…

September 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo la kulmay ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibadda

Addis Ababa:-SONNA-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaaliya Mudane Absher Cumar Jaamac ayaa magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka…

GudahaWararka
February 16, 2023

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay Salaadda janaasada AUN Marxuum Cabdicasiis Maxamed Maxamuud

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, taliye ku-xigeenka ciidanka Xoogga Jeneraal Cabaas Amiin Cali iyo  Saraakiil…

Wararka
April 24, 2023

Taliska Booliska Galmudug oo Puntland ku wareejiyey Gaari laga soo dhacay deegaanada maamulkaasi.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Col. Qaasin Shiiq-doon Cali ayaa ku Wareejiyay Saraakiisha Amniga Maamulka Puntland Gaari Dhawaan Laga soo…

GudahaWararka
January 6, 2022

Wasiirka Caddaaladda XFS oo qaabilay madaxweynaha hey’adda Interpeace iyo wafdi uu hoggaaminayo

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha hey’adda Interpeace…

GudahaWararka
March 2, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023