Muqdisho, (SONNA): Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Koronto) u doortay Guddoomiyaha golaha, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Fatuma Taxadar Yusuf ayaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.
Hoggaanka la doortay ayaa ballanqaaday inay diiradda saari doonaan midnimada iyo horumarinta guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed, si loo xoojiyo doorka warbaahintu ku leedahay horumarinta bulshada iyo dalka.