Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAR-MURTIYEED
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAR-MURTIYEED
GudahaWararka

GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAR-MURTIYEED

By Kanaava Mohamed
Last updated: January 2, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ku yeesheen Muqdishu Janaayo 3, 2024. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ujeeddada kulanka deg degga ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah in Goluhu uu jawaab ka bixiyo heshiiska is-afgaradka lagu sheegay ee dhexmaray maamulka Soomaaliland iyo Dawladda Itoobiya oo xadgudub ku ah gobannimada Soomaaliya.

Golahu Wadatashaga Qaran markuu arkey:

1.Dastuurka Soomaaliya qodobadiisa xeerinaya gobannimada, midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo awoodda Xukuumadda Federaalka ee gelista heshiisyo caalami ah iyo u hoggaansanaanta heerarka dawladda ee Dastuurka Soomaaliya.
2.Axdiyada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD oo dhammaantood waajibinaya inaan lagu xadgudbi karin madaxbaannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee dalalka ka tirsan.

Wuxuu soo saaray qodobadaan:

1.Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu si cad uga soo horjeedaa xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2.Goluhu wuxuu si buuxda u ayidayaa mowqifka iyo qaraarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay arrinkan ka qaadatey iyo xeerka uu soo saarey BFS ee Burinta waxa lagu tilmaamay Is-Af-garad dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Itoobiya.

3.Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta, dhowrista gobnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo dadeed ee dalkeena.

4.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan (dal iyo dibadba) oo ay ugu horreeyaan dadka reer Soomaaliland in ay u midoobaan dhowrista gobnimada, madaxbannaanida iyo midnimada qaranimada Soomaaliyeed
.
5.Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka inay garab istaagaan xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobnimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho.(SONNA)... Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada K/Galbeed,Galmudug iyo Jubbaland Lafta-gareen ,Qoor-qoor,iyo Axmed Madoobe ayaa manta soo gaaray Magaalada Muqdisho,si ay uga qeybgalaan…

Gudaha
May 20, 2021

Galmudug iyo Puntlan oo boogaadiyay kaalinta bulsho ee garab istaagga ciidamada

Maamulada Gobalada Mudug ee puntland iyo Gaalgaduud Cabdi ladiif Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye  ayaa bogaadiyay kaalinta ay bulshadu…

Gudaha
January 7, 2023

Aljeeriya oo burburisay shabakad qaabilsaneyd tahriibinta dadka

Warbaahinta Aljeeriya ayaa sheegtay in la uu burburiyay shabakad ku lug lahayd tahriibinta dadka muhaajiriinta ah ee doonya in ay…

Caalamka
March 23, 2023

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Warfaafinta XFS oo gaaray magaalada Milano ee Talyaaniga

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Milaano ee dalka…

Wararka
November 26, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023