Muqdisho(SONNA):-Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ee Wasaaradda Caafimaadka XFS.
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee hoos yimaada Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo saaray amar ku socda isbitaalada gaarka loo leeyahay, kaddib markii ay soo bateen cabashooyin ka imaanaya dhakhaatiirta ajaanibta ah, gaar ahaan walaalaheen reer Suudaan ee ka shaqeeya dalka.
Cabashooyinkani waxay la xiriiraan dhibaatooyin dhanka heshiisyada shaqada iyo arrimaha dal-ku-joogga. Sidaas darteed, NHPC waxay si cad u faraysaa dhammaan xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay:
1. In Ay qaataan masuuliyadda sharciyeynta deganaanshaha dhakhaatiirta ay shaqaaleyaan.
2. In Ay ixtiraamaan heshiisyada shaqo ee ay la galaan dhakhaatiirtaas.
3. Cid kasta oo ku xadgudubta tilmaamahaan waxay la kulmi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan.
Goluhu wuxuu ku boorrinayaa dhammaan bahda caafimaadka inay ilaaliyaan xuquuqda dhakhaatiirta, si kor loogu qaado kalsoonida iyo tayada adeegga caafimaadka dalka.