Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Golaha Aqalka sare oo meel mariyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Golaha Aqalka sare oo meel mariyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed “SAWIRRO”
Wararka

Golaha Aqalka sare oo meel mariyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

By Sonna Whiteka
Last updated: February 12, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Golaha Aqalka sare ee  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay laba kulan oo si xigay, kuwaas oo kala ah kulammada 38-aad iyo 39-aad, ayaa meel mariyay sharciga Jaangoynta iyo Tayada dhowrka Soomaaliyeed.

Kulanka oo uu Shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaahi Cabdullahi.ayna goob joog ahaayeen Guddomiye ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Senator Moowlid Xuseen Guhaad ayaa ka hadlay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga ganacsiga iyo Maaliyadda Senator Deeqo Xasan Xuseen ayaa soo jeedisay qodobbadii wax ka baddelka lagu sameeyey xeerkan.

Senatorrada golaha Aqalka sare ayaa su’aalo dheeraad ah ka weydiiyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeenno ka tirsan Wasaarada ganacsiga oo hor yimid Golaha Aqalka Sare, isagoo uga  jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyey, waxaana sanotorradu ay codsadeen in la galo kulanka 39-aad si loo ansixiyo maadaama uu sharcigan dalka muhiim u yahay.

Guddoonka ayaa furay kulankii 39-aad isla maanta, waxaana Guddoomiyaha guddiga Ganacsiga iyo Maaliyadda Sanotor Axmed Cabdi Dhuxuloow (Dheg-dheer) uu codsaday in la ansixiyo sharciga maadaama akhrinta seddexaad la dhammeeyey.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, waxaana codeeyay 28 Senator cid ka aamustay ama diiday ma jirin sidaas ayuuna ansax ku yahay, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Dhanka kale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Golaha Aqalka Sare uga mahadceliyay meel marinta sharcigan.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah

Muqdisho.SONNA...Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay cutub kamid ah ciidanka…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug oo ka warbixiyey guulaha ay gaareen ciidamada amaanka Galmudug in uu xafiiska joogay

Muqdisho:(SONNA)-Wasiirka wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’id  ku qabtay Galkacyo ayaana ka warbixiyay guulihii laga gaaray howlgaladii…

Wararka
June 7, 2020

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

Muqdisho.SONNA….1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu booqday dalalka Uganda, Burundi, Djibiuti iyo Kenya,…

Gudaha
October 25, 2024

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb ah danjirayaal lagu casuumay madaxtooyada Kenya

Nairobi (SONNA): Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle ayaa ka qeyb galay kulankii Sanadlaha ah ee Diblomaasiyadeed ee…

GudahaWararka
February 11, 2026

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo Amniga iyo Xasilinta Dalka ayaa ka Furmay Dhuusamarreeb

Dhuusamareeb(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka…

GudahaWararka
August 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023