Muqdisho (SONNA) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ayaa meel mariyay Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ)
Kulaka 14aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shirguddoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaahi Cabdullahi ayaa looga hadlay Hindise-Sharciyedka Istaatistikada Qaranka iyo Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ).
Hindise-Sharciyeedka Istaatistikada Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaaal Maxamed Cusman oo Xildhibaanada u sharxay hindise sharciyeedkan..
Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga Arrimaha Dibedda, Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.
Intaa kadib, Guddooomiyah Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Beniโadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Senator Axmed Macalim Cumar (Nadiir) ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ). Iyadoo uu Golaha Aqalka Sare ansixiyay Hindise-sharciyeedkan.