Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Golaha Ammaanka oo si wadajir ah u diiday Aqoonsiga Israa’iil sheegatay in ay siisay maamulka Somaliland
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Ammaanka oo si wadajir ah u diiday Aqoonsiga Israa’iil sheegatay in ay siisay maamulka Somaliland
GudahaWararka

Golaha Ammaanka oo si wadajir ah u diiday Aqoonsiga Israa’iil sheegatay in ay siisay maamulka Somaliland

By SB
Last updated: December 30, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Isniintii si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israaโ€™i1l ee maamulka Somaliland, kaddib markii 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha golahaasi ay si cad u cambaareeyeen tallaabadaas.
Intii uu socday kulanka degdegga ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in aqoonsigaasi uu gogol-xaar u noqon karo qorshe halis ah oo lagu doonayo in si qasab ah Falastiiniyiinta looga raro Qaza ,lana geeyo Geeska Afrika.

Kalfadhiga degdegga ah oo loo qabtay in lagu falanqeeyo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay tallaabadaas ayaa muujisay in Mareykanku uu ahaa waddanka kaliya ee ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee ka gaabsaday cambaareynta aqoonsiga Israaโ€™i1l siisay maamulka gooni-goosadka ah.
Inkasta oo ay arrintaasi keentay goโ€™doomin diblomaasiyadeed, Washington waxay caddeysay in mowqifkeeda siyaasadeed uusan wax isbeddel ah ku iman. Ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in inkasta oo Israaโ€™i1l ay xaq u leedahay inay samaysato xiriir diblomaasiyadeed, haddana Mareykanku โ€œuusan soo saarin wax bayaan ah oo ku saabsan aqoonsi Somaliland, isla markaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadda Mareykanka.โ€

Isagoo hadal ka jeediyay Golaha Ammaanka,
Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo hadal ka jeediyay golaha ammaanka ayaa ugu baaqay xubnaha golaha inay si adag u diidaan falalka gardarrada ah ee Israโ€™i1l,isagoo carraka ku adkeeyay in tallaabadani aysan khatar ku ahayn oo kaliya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse ay sidoo kale halis weyn ku tahay xasilloonida guud ee Geeska Afrika iyo gobollada ku teedsan Badda Cas.
Danjiruhu waxa uu si gaar ah u muujiyay walaac ku aaddan suurtagalnimada in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu fududeeyo qorshe Israaโ€™i1l ay ku doonayso in si qasab ah โ€œdadka Falastiiniyiinta looga raro Qaza loona dajiyo gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya.โ€

โ€œXadgudubkan ka dhanka ah sharciga caalamiga ah iyo akhlaaqda baniโ€™aadanimo waa in si degdeg ah loo joojiyaa,โ€ ayuu Danjire Abuukar Daahir Cismaan u sheegay Golaha, isaga oo ku tilmaamay qorshe kasta oo barakicin qasab ah mid si cad uga hor imaanaya xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah.

Walaaca la xiriira barakicinta Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale ay muujiyeen wufuud kale oo muhiim ah, Iyagoo ku hadlaya magaca 22-ka waddan ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Ergeyga Qaramada Midoobay, Maajid Cabdulfataax Cabdulcasiis, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u diidan tahay โ€œtallaabo kasta oo ka dhalatay aqoonsigan sharci-darrada ah, kuna wajahan fududeynta barakicinta qasabka ah ee dadka Falastiiniyiinta, ama ka faaโ€™iidaysiga dekedaha waqooyiga Soomaaliya si loogu dhiso saldhigyo ciidan.
Sidoo kale, Ku-xigeenka Safiirka Pakistan ee Qaramada Midoobay, Maxamed Cusmaan Iqbal Jadoon, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga mid โ€œsharci-darro ahโ€ iyo โ€œaad u halis badan,โ€ isaga oo xusay inuu ka hor imanayo tixraacyo hore oo gobolka loogu arkayay meel Falastiiniyiinta lagu masaafuriyo.

Shiinaha iyo Boqortooyada Ingiriiska, oo labaduba ah xubno joogto ah oo Golaha Ammaanka ka tirsan, ayaa ku biiray mowqifka diidmada,waxaana Ergeyga Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Lei, uu sheegay in Beijing โ€œay si adag uga soo horjeeddo fal kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Koonfur Afrika ayaa iyaguna xaqiijiyay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo ku asteysan xeerarka Midowga Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka maaliyadda oo guddoomiyey shirka maaliyadda oo dowlad goboleedyadu ka qaybgaleen +Sawirro

Muqdisho (SONNA)-Sii Hayaha wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyaya shirka wasiirada maaliyadda ee dowlada…

GudahaWararka
October 6, 2020

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya

Muqdisho (SONNA):- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan gaara kaasi oo looga hadlaayey…

GudahaWararka
April 29, 2024

Wasiir dowlaha caafimaadka oo xarig jartay qayb cusub oo lagu kordhiyey isbitalka SOS

Muqdisho (SONNA): Wasiir dawlaha wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa xarig jartay qeyb cusub oo loogu talagalay carruurta ee…

GudahaWararka
December 30, 2024

Wasaaradda Waxbarashada oo soo gabo-gabaysay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xasan ayaa maanta soo…

GudahaWararka
June 2, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023