Muqdisho.(SONNA)…Gudddiga maamulka gobolka Banaadir u qaabilsan ka hortagga cudurkan Corona ayaa ย maanta shir ay yeesheen ka soo saaray amarro culus oo la dul-dhigay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Mudane Saalax Xasan Cumar oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ย ayaa sheegay in muddo laba todobaad ah la mamnuucay in lagu dabaasho xeebta Liido, sababo la xariira caabuqa Corona.
Afhayeenku,wuxuu ku baaqay in la joojiyo isu-imaatinada dadka, sida shirarka,ย xafladaha aroosyada iyo munaasabadaha kale ee la isugu tago.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u qaaday tallaabooyin looga horatagayo cudurka, iyadoo joojisay dhammaan duulimaadyada, sidoo kalena xirtay xarumaha waxbarashada dalka.