Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska
    January 20, 2026
    Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira
    January 20, 2026
    Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac
    January 19, 2026
    Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed
    January 19, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika
    January 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira
GudahaWararka

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

By Mohamed Abdirahman Sheikh
Last updated: January 20, 2026
2 Min Read
Share

Dhusamareb, SONNA — Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in abaarta ka jirta dalka ay si xooggan u saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Mudug, kaddib markii saddex sano oo xiriir ah uusan roobku ka di’in gobolkaasi.

Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka Galmudug, Maxamed Cabdullaahi Cali Wardheere oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay indhahooda ku soo arkeen xaalado aad u adag oo ka jira qaybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug iyo guud ahaan deegaanka Galmudug intii ay ku jireen kormeerka.

“Waxaan la kulannay xaalado khatar ah, deegannada waxaa si ba’an ugu dhuftay abaar. Galmudug saddexdii xilli-roobaad ee ugu dambeysay wax roob ah ma helin,” ayuu yiri Agaasime Maxamed.

Wuxuu intaas ku daray in abaartu ay sababtay in dadka deegaannadaasi ay waayaan xoolo badan iyo waxyaabihii baahiya aasaasiga ahaa sida biyo iyo baad la’aan, halka xoolaha intii hartay loo waysan yahay cunto iyo biyo. Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in kala bar Milyan qof ay wajahayaan xaalad abaar oo daran, taas oo si toos ah u saameysay noloshii iyo waxyaabihii ay ku tiirsanaayeen.

Wasaaradda Gargaarka Galmudug ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah, deeq-bixiyeyaasha iyo dadka wax heysta in ay si degdeg ah gargaar u gaarsiiyaan bulshada reer miyiga ah ee ay abaartu saameynta culus ku yeelatay, gaar ahaan deegaannada Gobolka Mudug.

“Waxaan bulshada ugu baaqayaa in la garab istaago walaalahooda ay abaartu saameysay, gaar ahaan xilli Ramadaan oo soo dhow, in qof walba oo awood leh uu ka qeyb qaato caawinta degdegga ah,” ayuu yiri markale Agaasime Maxamed.

Ugu dambeyn, Galmudug ayaa ka digtay in haddii aan si dhaqso ah loo helin gargaar bini’aadannimo, ay xaaladdu sii xumaan karto, taas oo halis gelin karta nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobolka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta furay shir…

January 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Daa’uud Aweys” Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa bahda Warbaahinta oo si weyn ugu qeyb qaatay tebinta Doorashooyinka,”

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay doorashooyinka qof iyo codka ee…

GudahaWararka
December 25, 2025

Xildhibaan Ismaaciil Iidow Maxamed oo si rasmi ah ula wareegay xubinta guddiga fulinta Baarlamaanka carabta ku metelaysa Soomaaliya

Algiers(SONNA):-Xubnaha guddiga fulinta ee baarlamaanka Carabta oo ay Soomaaliya xubin firfricoon ka tahay ayaa kulan ku yeeshay Magaaladda Algiers ee…

GudahaWararka
May 2, 2025

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ka furay shirweynaha ansaxinta Istiraatiijiyada Qaranka ee isku-xirka xiriirka warbaahinta

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane, Daa'uud Aways Jaamac ayaa goordhow Muqdisho ku daah-furay shirka ansaxinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee…

GudahaWararka
August 20, 2023

Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa todobaadka soo socda ka qeyb galaya dhoola-tus militari…

Caalamka
August 28, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023