Dhuusamarreeb(SONNA):-Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda ee dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac ayaa maanta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ka furey, barnaamijka wacyigelinta iyo ka hor tagga lacag dhaqidda ee la dagaalanka maal gelinta argagaxisada oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Warbixinada Maaliyadda ee FRC.
Wakiilo ka kala socda wasaaradaha iyo hayโaddaha maamulka Galmudug iyo bulshada rayidka ayaa ka qeybgalaya barnaamijkaan wacgelinta ah, kaas oo socon doona muddo isbuuc ah.
Barnaamujkan oo mid Barnaamuj ay fulinayso Dowladda federaalka ayey Galmudug noqonaysaa dowlad goboleedkii labaad nasiibka u heshay in laga fuliyo barnaamijkan.
Xarunta Warbixinadda Maaliyadda, ayaa ah xarun u xilsaaran ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada dalka, xarunta ayaa barnaamijkan ugu talo gashay adkeynta xiriirka iyo sare u qaadista qorshayaasha lagula dagaalamyo maalgelinta argagaxisada dalka.
Ugu dambeynti, Wasiiru dowlaha ayaa ka qeybgalayasha barnaamijkan kula dar daaramaya in ay si wanaagsan ugu faaโiideystaan isla markaana u dhabar adeegaan howlaha, istiraatiijiyada iyo hababka looga hortago loolana dagaalamo maalgaalgelinta argagixisada.