Magaaladana Samareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa markii ugu horeysay laga daah furay Mashruuca buufinta Xarumaha Bulshada iyo goobaha dadwaynaha, si loo xakameeyo faafida Xanuunka COVID-19 oo saameyn balaaran ku yeeshay dadka deegaanadaasi.
Hey’addaha MEGA iyo SOFA oo ay horkaceyso Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa si wadajir ah howshan buufinta uga bilaabey maanta Xarumaha loogu adeego bulshada sida aqalka Dowladda Hoose ee Samareeb.
Tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada socda ee sahli kara in la dhimo kororka dadka uu soo ridanayo Xanuunkan markale kusoo laba kacleeyay Dalka.