Maamulka Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo gacan ka heleysa hay’adda I.R.C ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabatay kulan looga hadlaayay sidii bulshada looga wacyigalin lahaa halista COVID-19 Iyo faa’idada talalka uu uleeyahay ka hortaga cudurkaasi.
Kulanka oo ay qeyb Ka ahaayeen howl wadeennada caafimaadka, Iyo xubno matalayay qeybata kala duwan ee bulshada Waxaa ugu horeen hadal Ka jeediyay isuduwaha Wasaaradda caafimaadka Galmudug ee degmada Gaalkacyo Mudane Cabdikariim Abshir Ciise
kulanka Waxaa talooyin Ku aadan qaadashada tallalka Ka soojeediyay dhaqaatiirta caafimaadka, culimaa u diinka iyo urueada bulshada, iyadoo su’aalo la xariira sida ugu haboon ee loo wajahayo ka hortaga xanuunkaasi ,halkaasi ku weydiiyay dhaqaatiirtii caafimaadka .
Kulankaasi waxaa gabagabadii laga soo jeediyay in qeybaha bulshada oo isku duuban ay door wanaagsan ka qaadan kaaan dagaalka lagula jiro cudurka halista ah ee COVID-19.