Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Falcelinta Qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran  (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Falcelinta Qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran  (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Falcelinta Qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran  (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 6, 2023
7 Min Read
Share

Kadib markii uu soo baxay War-murtiyeedkii Madasha Wadatashiga Qaran ayaa siyaabo kala duwan loo kala fasirtay, iyadoo qoloba meel u jiidatay ama u fasiratay, balse waxaa xaqiiqo ah in War-murtiyeedku uusan aheyn go’aan ee ay tahay oo kaliya qodobo asaas u ah geeddi socodka hanaanka Dowladnimo, ansaxinteedana waxaa iska leh Barlamaanada Dalka ka dhisan, sidaasi awgeed waxaa tafaasiilo dheeri ah ka bixiyay Masuuliyiinta Dalka ugu sarreeysa ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, haddaan soo qaadanno waxyaabihii uu ka yiri Raiisul-wasaruhu, isagoo aad u sii jilicinaya War-murtiyeedkaasi.

“Annaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan”. Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamsa oo Wasaaradaha faray in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

“Dastuurkeenu waa inuu dhameystirmaa, waa in Deyn cafintu hirgashaa, Dalka waa in aan Kooxaha Argagixisada ah ka xoreynaa, marka anaa maqan iyo hebelaa maqan, hadaad maqan tahay Kaalay imow, cid miyaa kuu diidan, waliba waa lagu tuug tuugayaa, caqligaga la rabaa maskaxdada la rabaa waa lagu tanaasulayaa, soo fariiso hadaad soo fariisan weydo adiga shaqsiyan dadka waxaad rabtid ha u sheegin “ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feredaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre waxa uu hadaladaasi ka jeediyay mar uu shir- guddoominaayay shirka golaha Wasiiradda ee Todobaadkii la soo dhaafay ayaa intaasi ku daray in Xukuumadda looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aaminayaan hoggaankooda, wuxuuna Raiisul-wasaaruhu sii raaciyay “𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗠𝗮𝗿𝘁𝗶 𝗞𝗮𝗺𝗮 𝘀𝗶𝗶 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼 𝗺𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Khawaariijtu kaga sugan tahay dalka, isagoo faray Wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka, isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hadafka Xukuumadda (DanQaran) waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad ku soo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya”.

Dhinaca kale waxaa kaloo jirta in ay Maasuuliyiin badan ka falcelisay War-murtiyeedkaasi, iyagoo siyaabo kala duwan u dhigay waxaana ka mid ah Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, islamarkaana ahaa Wasiir hore ayaa sidan ku qoray Bartiisa Baraha Bulshada.

“Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaan fiirinayay micnaha ay ku fadhiyaan dareemada falcelinta ah ee laga sameeyey go’aankii Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen 27-kii bishii May 2023-ka., waxaan arkay aqoonyahano kooban iyo masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Dawlada Federaalka ah oo diidan ama dhaliilaya go’aanka Golaha laakiin ma jirin cid la timid aragti ama proposal siyaasadeed oo lagu bedelo, marka laga reebo Professor Afyare oo nidaamyo la kala dooran karo isbarbardhigay.

Hadaan soo koobo guuxa ka dhashay go’aankii GWQ waxaa iiga soo baxay laba arimood oo aan aad u qariibsaday ama ula yaabay, qodobka koowaad: Siyaasiyiin badan ayaa ku dooday waxaa lagu xadgudbay awood qaybsigii beelaha Soomaaliyeed ku heshiiyeen, waxaan isweydiiyey tolow beelaha Soomaaliyeed goormay miis wax ku qaybsadeen oo awoodaha dalka intay kala qaybsadeen ku heshiiyeen, Tusaale ahaan ma waxaa dhacay Shir Digil & Mirifle fadhiyey oo lagu heshiiyey in ay qaataan Gudoomiyaha Barlamaanka oo aanay weligood kursi executive ah ku fadhiisan mise maxay sugayeen in maanta oo kale la gaadho oo ay tirada iyo tayada dadkooda Soomali kula saami qaybsadaan!!!. Qodobka labaad: waxaan arkay Puntland oo dhahaysa GWQ xaqdaro ayuu ku dhisan yahay ee waa in go’aamada ay qaadanayaan ka soo bilowdaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha ku shaqada leh, kadibna Barlamaanka soo maraan oo sidaas ugu gudbaan Madaxweynaha iyo GWQ, waan rumeysan waayey waayo ilaa 2005-tii Puntland ayay ahayd cida ugu adag ee diidi jirtay in shaqooyinku ka soo bilowdaan Golayaasha Qaranka oo dhihi jirtay arrimaha Masiiriga ah waa in GWQ ka doodaan ka dibna wixii ay isla qaataan loo gudbiyaa Golayaasha Dawladda si ay u ansixiyaan.

Waxaan ku soo xidhayaa waynu soo aragnay Qaran dulmi iyo xaqdaro ku dhisan inta uu socon karo iyo waxa ka dhalan kara. qofkii caqli lihina maanta wuu fahmayaa in aan 60 sano ka dib Soomaaliya aanay ka dhismi karin, Dastuurna ku gudbi karin Dawlad been iyo xaqdaro ku dhisan ee laba inoo kala doora (1) in aynu sida Mareykanka labadaa Xisbi ku kala faylno oo qabiil la waayo oo nin waliba Xiniinyihiisa fuulo oo Soomaali isu dhan cod ka raadsado iyo in aynu ku sii jirno circle-ka Qabiilka oo sidii 1967 furano 150 Xisbi oo jufooyin ah, kuraastana ilaa Agaasime waaxeed qabiil iyo tirada beelaha ku qaybsano oo Dastuurka ku qorano, Canshuurta iyo dhaqaalahana reer waliba wixiisa urursado, labadaas inoo kala doora ka hor intaan Dastuurka la keenin golayaasha Dawladda”, ayuu ku soo gabgabeeyay Qoraalkiisa Xil. Maxmed Cabdi Xayir Maareeye.

Haddaba Soomaaliyeey yaynaan fiirin siyaasi dan wata oo uusan idin ku fuulin jaran-jarada sida aan hore u soo aragnay aanna iska himlinno Wararka la isla dhexmarayo, balse aan taageerno waxa ay danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed ku jirto, Dalkuna ku gaari karo Nabad, horumar iyo Barwaaqo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maareeyaha hay’adda aqoonsiga Qaranka oo Addis Ababa uga qaybgalay shirka ID4Africa

Muqdisho (SONNA): Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa magaalada Addis Ababa…

GudahaWararka
May 20, 2025

Ciidamada dowladda ee ku sugan Galcad oo lagu wareejiyay xoolo lagu dhiiragalinayo

GALCAD-(SONNA)-Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa maanta lagu xoolo nool oo lagu dhiiragalinayo oo ka…

GudahaWararka
July 21, 2023

Argagaxisada oo laga soo ooday ilihii dhaqaale ee ugu dambeeyay Qeybtii 2-aad (WARBIXIN)

Muqdisho (SONNA)--Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada ayaa go’aano adag oo ka soo baxay waxaa lagu faray shirakadaha,…

GudahaMaqaallada
February 22, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hay’adaha ku shaqada leh u gudbiyey in ay soo buuxiyaan kursiga Hop#201

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in mudane ka tirsanaa…

GudahaWararka
March 15, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023