Dowladda Falastiin ayaa soo dhaweysay amarka maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ay ka soo saartay soo qabashada raโiisul wasaaraha Israaโiil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant ,kuaas oo lagu tuhmay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza.
ICC ayaa sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo madaxa militariga Hamas Mohammed Deif oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah biniโaadanimada iyo dambiyo dagaal,inkastoo Israaโiil ay bishii Agoosto sheegtay in Deif lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay koonfurta Qaza.
Maxkamadda ICC ayaa warqadda lagu qabanayo madaxda Israel iyo Xamaas ku sheegtay in ay tahay tallaabo soo celinaysa rajadaโ sharciga caalamiga ah.
Daraasiin ayaa lagu dilay duqeymo ay militariga Israaโiil ka fuliyeen waqooyiga Gaza ee Beit Lahiya iyo magaalada Gaza, halka diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israaโiil ay gantaallo ku dhufteen teendhooyin ay ku hoydaan dad barakacayaal ah oo ku sugnaa bartamaha dhulka Falastiin.
Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha ee Lubnaan ayaa sheegtay in weerarrada Israel ee Baalbek ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof ayna ku dhaawacmeen 52 kale.
Weeraradan ayaa daba socday ka dib markii wasaaraddu ay sheegtay in 25 qof lagu dilay 121 kalena lagu dhaawacay weerarrada Israel 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 44,056 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 104,286,halka udaha Lubnaan, ugu yaraan 3,583 qof la dilay 15,244 kalena la dhaawacay.