Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Fadliga Soonka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Fadliga Soonka
MaqaalladaWararka

Fadliga Soonka

By SB
Last updated: March 20, 2023
14 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Ajarka soonka laga helo waxaa dheer in dembina lagu dhaafo. Sida aan ugu tagi doonno soonka sunnaha ah, soonka maalinta carafa iyo maalinta caashuuraba Alle dembiyada ayaa uu ku dhaafaa. Sidaas oo kale, Ramadaan ka Ramadaan qofku haddii uu ka fogaado dembiyada waaweyn, Alle waxa uu u dhaafaa dembiyada yaryar ee ka dhaca.

الصَّلَواتُ الخَمسُ، والجُمُعةُ إلى الجُمُعةِ، ورمضانُ إلى رَمَضانَ؛ مُكَفِّراتٌ ما بينهُنَّ إذا اجتَنَبَ الكبائِرَ.

رواه مسلم (233).

Nebigu SCW waxa uu yidhi: qofkii Ramadaan sooma iyada oo ay ka tahay rumayn Alle iyo in soonku waajib ku yahay; iyo ajardoonnimo, waxaa loo dhaafaa dembiyadiisi hore.

مَن صامَ رمضانَ إيمانًا واحتسابًا، غُفِرَ له ما تقدَّمَ مِن ذَنبِهرواه البخاري (38)، ومسلم (760).

***

Nebigu SCW waxa uu yidhi: Jannadu waxa ay leedahay albaab la yidhaahdo Wabxiye (ar-Rayyaan) oo maalinta qiyaame ay Jannada ka galayaan kuwii soomi jiray, cid aan iyaga ahayna gali mayso; waxaa la odhanayaa meeye kuwii soomi jiray, markaas ayaa ay istaagayaan marka ay galaanna waa la xidhayaa oo cid kale gali mayso.

إِنَّ فِي الْجَنَّةِ بَابًا يُقَالُ لَهُ الرَّيَّانُ، يَدْخُلُ مِنْهُ الصَّائِمُونَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ، لَا يَدْخُلُ مِنْهُ أَحَدٌ غَيْرُهُمْ، يُقَالُ: أَيْنَ الصَّائِمُونَ، فَيَقُومُونَ لَا يَدْخُلُ مِنْهُ أَحَدٌ غَيْرُهُمْ، فَإِذَا دَخَلُوا أُغْلِقَ، فَلَمْ يَدْخُلْ مِنْهُ أَحَدٌ.

Bukhaari: 1896.

Albaabkan Jannadu waxa uu u gaar yahay dadkii soonka badnaa. Xadiis kale ayaa sheegaya in qofkii ahlu salaad ahaa looga yeedhayo albaabka salaadda, qofkii ahlu jihaad ahaana albaabka jihaadka, qofkii ahlu soon ahaana albaabka Rayaan. Qofkii ahlu sadaqo ahaana albaabka sadaqada. Abuu Bakar RC oo goobta joogay ayaa Nebiga SCW weydiiyay: Rasuulkii Allow ma jiraa qof albaabbadaas oo dhan looga wada yeedhayaa? Nebigu SCW waxa uu yidhi: haa, waxaanna rejaynayaa in aad ka mid noqotid.

مَنْ أَنْفَقَ زَوْجَيْنِ فِي سَبِيلِ اللهِ، نُودِيَ مِنْ أَبْوَابِ الْجَنَّةِ: يَا عَبْدَ اللهِ هَذَا خَيْرٌ، فَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الصَّلَاةِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الصَّلَاةِ، وَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الْجِهَادِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الْجِهَادِ، وَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الصِّيَامِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الرَّيَّانِ، وَمَنْ كَانَ مِنْ أَهْلِ الصَّدَقَةِ دُعِيَ مِنْ بَابِ الصَّدَقَةِ، فَقَالَ أَبُو بَكْرٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ: بِأَبِي أَنْتَ وَأُمِّي يَا رَسُولَ اللهِ، مَا عَلَى مَنْ دُعِيَ مِنْ تِلْكَ الْأَبْوَابِ مِنْ ضَرُورَةٍ، فَهَلْ يُدْعَى أَحَدٌ مِنْ تِلْكَ الْأَبْوَابِ كُلِّهَا؟ قَالَ: نَعَمْ، وَأَرْجُو أَنْ تَكُونَ مِنْهُمْ.

Bukhaari: 1897.

Albaabka ahlu soonku waxa uu leeyahay magac ku habboon dadkii soomi jiray ee harraadka u badheedhi jiray. Alle waxa uu u sameeyay albaab harraadkii ka tira oo dhanqalankii ka wabxiya, oo magiciisa naftu ku faraxdo.

***

Nebiga SCW waxaa laga soo wariyay in habeenka koowaad ee Ramadaanta la xidho shayaadiinta, in la xidho albaabbada Naarta oo aan midkoodna la furin, in la furo albaabbada Jannada oo aan midkoodna la xidhin, ka dibna uu mid yeedhayaa ku dhawaaqo: qofkii khayr doonayoow soo dhowoow, qofkii shar doonayoowna gaabso. Xadiiska oo ereyadiisii qayb ka mid ahi ay hoos ku qoran yihiin waxa uu ku diiwaangashan kutub badan oo xadiiska ururiyay, sida Bukhaari, Muslim, Tirmidi, Ibnu Khuzaymah, Ibnu Xibbaan, ikk, isaga oo ereyo kala duwan ku yimaadda.

إذا كانَ أوَّلُ ليلةٍ من رمضانَ صُفِّدَتِ الشَّياطينُ مردَةُ الجنِّ ، وغُلِّقَتْ أبوابُ النَّارِ فلم يُفتَحْ منها بابٌ ، وفتِحَت أبوابُ الجنَّةِ فلَم يُغلَقْ منها بابٌ وَنادى مُنادٍ : يا باغيَ الخيرِ أقبل ويا باغيَ الشَّرِّ أقصِر

إِذَا جَاءَ رَمَضَانُ فُتِّحَتْ أَبْوَابُ الْجَنَّةِ

.إِذَا دَخَلَ شَهْرُ رَمَضَانَ فُتِّحَتْ أَبْوَابُ السَّمَاءِ، وَغُلِّقَتْ أَبْوَابُ جَهَنَّمَ، وَسُلْسِلَتِ الشَّيَاطِينُ.

Siyaabo kala duwan ayaa ay culimadu u fasireen katiinadaynta iyo xidhitaanka shayaadiinta. Culimada qaar ayaa tilmaamaya in shayaadiinta la xidhayaa ay yihiin kuwa samada kora si ay warkeeda u soo xadaan. Waxaa kale oo ay sheegeen in ay suuragal tahay in xidhitaankoodu ku kooban yahay habeenkii oo ay maalintii fasaxan yihiin.

Waxaa iyaduna suuragal ah in aan caadi ahaan la xidhin ee ujeedku yahay in saamayntoodi yaraatay maadaama soonkii wiiqay shahwooyinkii iyo rabitaannadii dadka oo ay Qur’aan iyo dikri ku mashquulsan yihiin. Haddii shayaadiintii la xidhay, maxaa dhibaato iyo macsi u dhacaan bisha Ramadaan?

Shaydaanku ma aha sababta keli ah ee keenta arrimahan. Sharku kuma koobna shayaadiinta ee naftuba qayb ayaa ay ku leedahay. Markii uu Alle SWT ka hadlayay reer Banuu Israa’iil waxa uu sheegay in markii uu Rasuul ula yimaaddo wax aysan NAFAHOODU jeclaysanba, ay rusushaas qaybna beenin jireen qaybna dili jireen:

كُلَّمَا جَاءَهُمْ رَسُولٌ بِمَا لَا تَهْوَىٰ أَنْفُسُهُمْ فَرِيقًا كَذَّبُوا وَفَرِيقًا يَقْتُلُونَ

Saxaabadii dagaalkii Uxud dhabarka jeedisay markii uu ka hadlayay, Alle SWT waxa uu sheegay in shaydaanku kaga faa’iidaystay wixii ay galabsadeen awgii.

إِنَّمَا اسْتَزَلَّهُمُ الشَّيْطَانُ بِبَعْضِ مَا كَسَبُوا

Nafta sharka wadda waxaa dheer, maadaama waxa la xidhayaa ay yihiin belaayada sharka ku gaammuray, shayaadiintii yaryaraa baa weli jooga oo hawshoodii wata. Waa la innoo fududeeyay ee dhibtii lama wada faydin waana in laga dabbaasho.

In mooryaantii shayaadiinta la xidhay waxaa innoogu filan sida dad badani daacada Alle diyaar ugu yihiin bishan ee khayrku u bato. Qaar aan sannadka dhan tukan baa Ramadaanta masaajidda tuban oo cibaadaysanaya. Kuwo aan waxba bixin jirin baa sadaqo kala farraqaya. Kuwo macsida aan u nasan jirin baa cumro iyo cibaado aadaya, iwm.

Xidhitaanka shayaadiintu waa fududayn Alle u samaynayo addoomihiisa khayrka raba. Qof uusan soonku khusayn, ama aan danba ka lahayni in uu helo hawl fududayntii iyo barakadii Ramadaanta uma badna. Waana arrin ay culamadu tilmaameen markii ay ka hadlayeen xidhitaanka shayaadiinta iyaga oo sheegay in yaraanshaha saamaynta Shaydaanku uu ku xidhan yahay hadba sida qofku u guto waajibkii Ramadaanta.

Qof aan soonkii lagu lahaa gudani ma helayo ilaalintii lagaga xannibayay shaydaankii caqabadda ku noqon lahaa ee cibaadada iyo khayrka ka horjoogsan lahaa. In qofkii daacada Alle ka fogaada lagu fasaxayo shaydaanka waxa ay ka muuqataa aayadda uu Alle SWT ku leeyahay:

وَمَن يَعْشُ عَن ذِكْرِ الرَّحْمَٰنِ نُقَيِّضْ لَهُ شَيْطَانًا فَهُوَ لَهُ قَرِينٌ

Nebiguna SCW waxa uu xadiis uu Imaam Muslim diiwaangaliyay ku sheegay in qof kasta lagu lammaaniyay qareen jinka ka mid ah. Markii ay saxaabadu yidhaahdeen xataa adiga? Nebigu SCW waxa uu yidhi xataa aniga waa uu i weheliyaa ee Alle ayaa iigu kaalmeeyay oo waa uu Muslimay wax aan khayr ahaynna ima faro. Xadiisku waxaa kale oo uu tilmaamay in sidaa oo kale malag ku lammaan yahay qofka.

مَا مِنْكُمْ مِنْ أَحَدٍ إِلَّا وَقَدْ وُكِّلَ بِهِ قَرِينُهُ مِنْ الْجِنِّ قَالُوا وَإِيَّاكَ يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ وَإِيَّايَ إِلَّا أَنَّ اللَّهَ أَعَانَنِي عَلَيْهِ فَأَسْلَمَ فَلَا يَأْمُرُنِي إِلَّا بِخَيْرٍ حَدَّثَنَا ابْنُ الْمُثَنَّى وَابْنُ بَشَّارٍ قَالَا حَدَّثَنَا عَبْدُ الرَّحْمَنِ يَعْنِيَانِ ابْنَ مَهْدِيٍّ عَنْ سُفْيَانَ ح وَحَدَّثَنَا أَبُو بَكْرِ بْنُ أَبِي شَيْبَةَ حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ آدَمَ عَنْ عَمَّارِ بْنِ رُزَيْقٍ كِلَاهُمَا عَنْ مَنْصُورٍ بِإِسْنَادِ جَرِيرٍ مِثْلَ حَدِيثِهِ غَيْرَ أَنَّ فِي حَدِيثِ سُفْيَانَ وَقَدْ وُكِّلَ بِهِ قَرِينُهُ مِنْ الْجِنِّ وَقَرِينُهُ مِنْ الْمَلَائِكَةِ.

Qariinka qofka lagu lammaaniyay ee xumaha u qurxiya, kuna dhiirriya, waxaa weheliya shayaadiin iyagu hawlo gaar ah u xilsaaran, sida kuwa dadka salaadda ka waswaasiya, iwm. Qariinku ma ku jiraa maradada (kuwa madaxa adag ee dhibta badan) shayaadiinta ee xadiisku tilmaamay in bisha Ramadaan la xidho? Haddii uusan ku jirin, saamayntiisuna ku badan tahay qofka macsida badan, miyaanay taasi fasiraad u noqon karin sharka qofka ka dhaca Ramadaanta gudaheeda?

Dhibaato ma laha in qofku isweydiiyo: haddii shayaadiintii la xidhay maxaa weli sharkii u socdaa?, ama xidhitaankoodu waa noocee?, iwm. Dhibtu waa marka qofku aragti isaga la qummanaatay uu ka dhigo xujo lagu burin karo xadiisyada sugan ee Nebiga SCW. Xujo adag oo lagu qanci karo oo lagu diidi karo xadiiskan sugani ma jirto. Wuxuba waa “waxay aniga ila tahay”.

Shaydaan baa la xidhay. Sidee loo xidhay waxaa ka horraysa in shaydaankan sida uu yahay la ogaado. Maadaama aynaan arki karin gebigiisaba, sida loo xidho in aynu isku hawlnaa waa iska waqti lumis iyo iskallifid aan dheef lahayn. Waa la xidhaa sida xadiisku sheegay. Qaabka loo xidhana Allaahu aclam. In aan qaabkii fahmi waynaa ma keenayso in aan dafirno. Armaa “force field” aysan ka gudbi karin lagu xidhaa dee!

Shayaadiinta oo caalamul qayb innaga ah iska daaye, sayniskii ay aadanuhu heerka sare ka gaadheen ayaa ay ka buuxaan waxyaalo fahankoodu adag yahay: ka warran sifada “quantum mechanics” leedahay ee keenaysa in qurubku (sida elektoroon) uu labo meelood joogi jaro isku waqti (waaba adiga oo isla hadda wada jooga Muqdisho iyo Hargeysa— Awliyo Alle).

Xadiiska sheegaya in shaydaanku uu dadka u dhex qulqulo sida dhiiggu u dhex qulqulo, isna ma muujinayo in aan shayaadiinta qaarkood la xidhin bisha Ramadaan. Xadiiskan waxaa ku xusan Nebiga SCW oo Ramadaan tobankii dambe ictikaaf ku jira in ay soo booqatay Ummul Mu’miniin Safiyah, cabbaar markii ay sheekaysteen ee ay laabanaysay ayaa Nebigu SCW istaagay oo raacay. Kadinkii masjidka markii ay marayeen ayaa waxaa soo maray labo nin oo saxaabadii ka mid ah kuwaas oo salaamay. Nebigu SCW inta uu joojiyay ayaa uu u sheegay in haweenayda la socotaa ay tahay Safiyah. Inta ay isku naxeen ayaa ay yidhaahdeen: Subxaanallaah Rasuulkii Allow!

Nebigu SCW waxa uu yidhi: Shaydaanku sida dhiigga ayaa uu aadanaha u dhex socdaa, waxaanna ka cabsaday in uu qalbigiinna wax galiyo! Tuhun in ay qaadaan ayaa uu Nebigu SCW ka ilaalinayay. Xadiiskan waxaa weriyay Bukhaari.

Maxaa diidaya in uusan markaa shaydaan weheline tuhun naftooda galo, hadhow marka la soo daayana uu shaydaankii tuhunkaa dhuxulo sii saaro ilaa uu faraha ka baxo? Sidii aan kor ku xusayna, maxaa diidaya in qariinka qofka la socdaa uu ka badbaado xadhigga?

Mid baase jirta, waana in uusan jirin noole gaarkiisa u taagan oo shaydaan la dhahaa. Alle waxa uu innoo sheegay jin iyo insi uu cibaadadiisa u abuuray, iyo malaa’ig. Shaydaannimadu waa tilmaan iyo sifo nooluhu qaato oo labada noole ee ikhtiyaarka leh: jin iyo insi, midkoodba qaadan karo.

وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوًّا شَيَاطِينَ الْإِنسِ وَالْجِنِّ يُوحِي بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ زُخْرُفَ الْقَوْلِ غُرُورًا

مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ

Ibliis waxa uu ka mid ahaa jinka oo Muslim iyo gaalba leh.

إِلَّا إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ

Laakiin markii Ibliis ay shaqaawadiisi/ dhibtiisi ka qaalib noqotay ayaa tilmaantii ay magiciisi ka dhigantay oo marka si guud loo adeegsado shaydaan ay u noqotay isaga iyo durriyaddiisa. Marar badanna Qur’aanku sidaas ayaa uu u adeegsadaa.

يَا بَنِي آدَمَ لَا يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ كَمَا أَخْرَجَ أَبَوَيْكُمْ مِنَ الْجَنَّةِ يَنْزِعُ عَنْهُمَا لِبَاسَهُمَا لِيُرِيَهُمَا سَوْآتِهِمَا ۗ إِنَّهُ يَرَاكُمْ هُوَ وَقَبِيلُهُ مِنْ حَيْثُ لَا تَرَوْنَهُمْ ۗ إِنَّا جَعَلْنَا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ لِلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَوَقَالَ الشَّيْطَانُ لَمَّا قُضِيَ الْأَمْرُ إِنَّ اللَّهَ وَعَدَكُمْ وَعْدَ الْحَقِّ وَوَعَدْتُكُمْ فَأَخْلَفْتُكُمْ ۖ وَمَا كَانَ لِيَ عَلَيْكُمْ مِنْ سُلْطَانٍ إِلَّا أَنْ دَعَوْتُكُمْ فَاسْتَجَبْتُمْ لِي ۖ فَلَا تَلُومُونِي وَلُومُوا أَنْفُسَكُمْ ۖ مَا أَنَا بِمُصْرِخِكُمْ وَمَا أَنْتُمْ بِمُصْرِخِيَّ ۖ إِنِّي كَفَرْتُ بِمَا أَشْرَكْتُمُونِ مِنْ قَبْلُ ۗ إِنَّ الظَّالِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Xadiiska Nebiga SCW waxaa cimrigoodi ku dhammeeyay kumannaan culimo ah oo Alle ku ilaaliyay. In si sahlan loo dafiro xadiis intaas oo caalim ay sugnaantiisa isku raaceeni waa ayaandarro iyo marin habow. Alle xaqa ha innagu sugo.
Aamiin.

***

Fadliga soonka waxaa ka mid ah in uu qofka ka fogeeyo Naarta. Waxa aan hore uga soo hadalnay in uu gaashaan u yahay qofka oo uu Naarta ka dhowro. Xadiiskan hoosana Nebigu SCW waxa uu ku sheegay in qofkii hal maalin Alle dartii u sooma, maalintaa darteed Naarta laga fogeynayo toddobaatan sano.

ما من عبدٍ يصومُ يومًا في سبيلِ اللَّهِ عزَّ وجلَّ ، إلَّا بعَّدَ اللَّهُ عزَّ وجلَّ بذلِكَ اليومِ وجهَهُ عنِ النَّارِ ، سبعينَ خريفًا.

Xuquuqda qormada waxay u sugnaatay Sheekh Muxummed Yuussuf.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa maanta kulan la…

GudahaWararka
August 11, 2024

Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan is-barasho la yeeshay Safiirka Dowladda…

GudahaWararka
July 16, 2025

Shirka wadatashiga mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho+Sawirro

Muqdisho (SONNA)-Shirkaan  wadatshiga oo ay soo qaban qaabiyeen wasaaraddaha  qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya  oo  xoogga lagu saarayo …

Wararka
October 20, 2020

Shir-weynaha u Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo galay maalintii labaad

Muqdisho, (SONNA): Shir-weynaha u Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda Muqdisho, waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo…

GudahaWararka
November 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023