Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed
    July 1, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota
    June 30, 2025
    Xuska 65-aad ee xornimada dalka oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania
    June 30, 2025
    Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag
    June 30, 2025
    Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay  Ra’iisul wasaaraha Libiya
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Faah-faahinta khasaare culus oo ka dhashay dagaal Khawaarijta ku dhex maray deegaan ka tirsan Galgaduud (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Faah-faahinta khasaare culus oo ka dhashay dagaal Khawaarijta ku dhex maray deegaan ka tirsan Galgaduud (Warbixin)
Maqaallada

Faah-faahinta khasaare culus oo ka dhashay dagaal Khawaarijta ku dhex maray deegaan ka tirsan Galgaduud (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: April 9, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ku dhexmaray deegaan hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo si rasmi ah uga dhacay deegaanka Bidda-Ciise oo aad ugu dhow degmada Ceeldheer ayaa wararka halkaas laga helayo waxay sheegayaan inuu sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka tirsan Al-shabaab ee ku geeriyooday dagaalkaas.

Inkastoo, argagixisadu deegaankaas isgaarsiintu ka xanibeen, dadkana dhaq-dhaqaaqa ay u diideen si aan xogta khasaaraha dagaalka loo helin, haddana warar lagu kalsoonaan karo oo aan deegaanka ka helnay waxay sheegayaan in khasaaraha maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhintay dagaalkaas ay gaarayaan labaatameeyo ruux halka dhaawacuna gaarayo afartameeyo.

Dagaalka oo markiisii hore ka bilowday in la dhammeystiro maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo iyaga oo dhaawac ah yaalay deegaankaas Bidda-ciise laguna dabiibayay markii kooxda ay aragtay in cadaadis xooggan soo fuulay ay go’aansadeen in dhaawacyada waqti ku lumin, horjoogayaalna ay soo jeediyeen in dhaawacyada la dhammeystiro si looga gudbo, maaddaama kooxdu uu ku furan yahay dagaallo jihooyin kala duwan ah,islamarkaana hadda uu ku bilowday wejigii labaad ee howlgallada Dalka guud ahaanba looga sifeynayo.

Horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda oo dhalasho iyo hayb ahaan ay aad isugu dhow-yihiin dhallinyarada dhaawacyada ah ee yaallo deegaankaas ayaa arrintaas ka biyo diiday iyagoona ka dagaallamay, taas oo keentay gacan ka hadal socday muddo ka badan 24-saac, Al-shabaab uu dhexmaro.

Dagaalka Bidda-Ciise ka dhacay, ku dhowaad 24-saac ay ku dagaallameen maleeshiyaad labada dhinac ah oo horjoogayaal ay kala hoggaaminayaan, ilaa shan horjooge ayaa la xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku nafwaayeen iyagoo dhexdooda iska dilay halka maleeshiyaadka dagaalka ku dhintayna hadda labaatan ay kor u dhaafeen.

Xaaladda deegaanka Bidda-Ciise oo dagaalku uu ka dhacay oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa hadda la soo sheegayaa in ay wali cakiran tahay oo maleeshiyaad Shabaab ah labada dhinac gurmadyo isaga kala yimaadeen,iyadoo hadda wararku ay xaqiijinayaan in dhinacyada halkaas ku dagaallamay qaarkood ay u suurta gashay in maleeshiyaadkii dhaawaca ahaa in la dhammeystiro marka hore dirirtu ay ka bilaabatay la dhammeystiro.

Dhowaan ayay ahayd, markii sidan oo kale, dagaallo ugu dhexmareen isla maleeshiyaad Khawaarijta ka wada tirsan deegaanno hoostaga degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug. Dagaalkan hadda ka dhacay deegaanka Bidda-Ciise ayaa ku soo beegmaya xilli kooxdan jiritaankooda ay maalmo uun ka harsan tahay oo ay ku jiraan xilliyadii ugu dambeeyay dhammaadkooda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Muqdisho(SONNA):-Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xuska maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo

21-ka Janaayo waa maalin qaran oo ku weeyn quluubta bulshada,waxaana maanta oo kale loo dabbaldegaa munaasabadda maalinta warbaahinta Soomaaliya oo…

GudahaMaqaallada
January 21, 2023

Wakaaladda Wararka SONNA oo maanta u dabbaaldegtay sanadguurada 59-aad  

Muqdisho(SONNA):-Wakaaladahaa wararka waa hey’addo u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar(warbixin)

Muqdisho (SONNA) Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 67-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu…

GudahaMaqaalladaWararka
October 12, 2021

Fataha Webiyada iyo Daadadka oo saameyn weyn yeeshay (WARBIXIN)

Fatahaada Webiga Jubba oo ah tii ugu ballaarnayd ee sameeyo muddo ka badan 26 sano ayaa sababtay in kumanaan qoys…

GudahaMaqaallada
November 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023