Muqdisho.(SONNA):- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay dab xooggan oo xalay fiidkii ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo daminta dabkaasi oo qaatay saacado badan markii dambe lagu guuleystay.
Maamul gobolka Banaadir iyo shacabka ayaa sameeyay gurmad deg deg ah oo lagu daminayo dabka ka kacay suuqa Bakaaraha gaara ahaan qeybta Khaliifa.
Qaar ka mid ah ganacsatada ku hanti beeshay dabka ayaa sheegay inuu geystay khasaare hantiyeed oo aad u badan, balse wali tirakooba rasmi ah lama helin.
Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure, ayaa goob joog ka ahaa gurmad deg-deg ah oo lagu daminayay dabka, waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
Kooxda Dab-damiska Dowladda Hoose ee Xamar oo kaa shanaya ganacsatada Suuqa ayaa si weyn uga qeyb qaatay ย xakameenta iyo daminta Dabka si uusan ugu sii faafin qeybaha kale ee suuqa.
Sidoo kale, Ciidanka Amniga ayaa guud ahaan Amniga suuqa la wareegay si loo ilaaliyo Hantida shacabka ee suuqa taal.